|
In Ka Badan 30 Sano Adeeg ah. |
Waxa ay Wadaagaan Shaqo bixiyaha iyo Shaqo doonaha.
Laga soo bilaabo 1976, waxaan isticmaalay isu soo
dhoweyn shaqsiyeed taasoo ku saleysan sidii loo gaari lahaa baahi
tirka SHAQO DOONAHA iyo SHAQO BIXIYAHA.
Waxaan bixinaa la shaqeyn shaqsi, xirfad hagid iyo
daryeel taageero oo loo fidiyo kuwa shaqo raadiska ah. Sidoo
kalena waxaan ka caawinaa shaqo bixiyeyaasha in ay helaan
musharaxyo buuxin kara shaqooyinka banaan.
|
Adeegyadeena waxaa laga bixiyaa 14 meelood
oo ku yaala Mpls/St. Paul iyo nawaaxigooda.
Kala soo xiriir (612) 752-8590
|
Maxaa ka dhigay Employment Action Center
adeeg xirfad bixiyaha sida ugu badan wax utara magaalooyinka
mataanaha ah?
Adeeg shaqsi ahaaneed ee heer sare ah looguna
tala galay shaqo doonayaasha oo idil kana soo jeeda nololo kala
duwan.
Xogag qiimeyn iyo xirfad heer sare ah.
Shaqaale ku
xeeldheer talobixinta horumarka shaqada oo aad isugu
taxaluujinaya sidii ay u haqab tiri lahaayeen baahidaada.
In ka badan 25 sano, EAC waxey horseed u aheyd soo
saartista habab cusub si ay u caawiyaan shaqo doonayaasha iyo
shaqo bixiyahaba. Ujeedadeenu waa in aan shaqsiga ku dhiira
gelinaa awood uu ku muujiyo kartida shaqada uu leeyahay, ayadoo
isla markaana uu dhisayo isdhexgalka qowmiyahada kana soo horjeeda
midab kala sooca.
Barnaamijkeenu waxuu ku saabsanyahay in aan dadka
u helno shaqooyin mustaqbal leh, natiijaduna ay noqotay in 3,117
qofood laga shaqaaleyey in ka badan 1,500 hay’adood oo kala duwan
sanadkii hore oo keliya.
Shaqo doonayaasha iyo shaqo bixiyeyaashuba waxey u
haystaan EAC in ey tahay xog bixiye aad u heer sareeya.
Tirakoob dhowaan laga sameeyey macaamiisha EAC,
boqolkiiba 98% waxey sheegeen in ay kula talin lahaayeen
saaxiibadooda ama eheladooda adeegyadeena.